Ciidamada Ruushka Oo Weli Duqeymo Xoogan Ku Wada Caasimadda Ukraine Ee Kyiv

Maalintii afraad ayuu galay duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine, iyada oo shacabka ku nool caasimadda Kyiv ay xalay mar kale intooda badani ku hoydeen guryaha shubka ah iyo godadka tareennada ee mara dhulka hoostiisa, si ay uga gabbadaan madaafiicda culus ee Ruushka.

Sidi habeennadi Jimcihi iyo Sabtidi, xalay ma jirin duqeymo laga soo wariyay magaalada caasimadda ah, marka laga reebo gantaal lagu dhiftay kaalin shidaal oo ku taalla meel 40 km dhanka koofureed kaga beegan Kyiv.
Duqa magaalada Kyiv ayaa Sabtidii ku dhawaaqay bandow xalay magaalada ka dhaqan-galay, kaas oo socon doona ilaa subaxda Isniinta berrito ah. Duqa magaaladu wuxuu sheegay in ciddi lagu arko waddooyinka Kyiv loo tixgelin doono ciidamada Ruushka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in ay xaqiijisay dhimashada 64 qof oo rayid ah iyo dhaawaca 240 kale, ilaa iyo hadda.

Related posts

Gabadh ‘Si Mucjiso Ah’ Ugu Dhalatay Diyaarad Hawada Ku Jirtay Oo Dahab Heshay Islamarkiiba

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Sheegay in Madaxwayne Muuse Biixi uu Wali la Jaakidhayo in ay shaqada Bilaaban Xildhibanadi la Doortay

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Muqdisho Oo Hadlay Waxa Laga Filan Karo Shirka Dhuusamareeb Ka Furmayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More