Waa jasiirad yar oo istaraatiiji ah oo ku taalla badda madow, waxaana loo yaqaanaa jasiirada Zmiinyi ama Jasiiradda ‘Maska’, waxaana goobtan laga soo tebiyay mid kamid ah dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ilaa hadda dhacay markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.
Kadib markii ciidamada Ruushka ay qabsadeen jasiiradda, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay in 13 kamid ah ciidamada Ukraine la dilay xilli ay difaacayeen jasiiradda ‘Maska’ isla markaana la siin doono biladda la siiyo dadka halyeeyada ah.
Ukraine waxay sheegtay in askarta ay dileen ciidamada Ruushka kadib markii maraakiibtooda dagaalka ay howlgal ka fuliyeen halkaas.
Ruushka ayaanan wax war ah ka soo saarin jasiiradan lala beegsaday madaafiicda iyo khasaaraha ka dhashay.
Sida laga soo xigtay Ruushka, “82 kamid ciidamada Ukraine ah ay si iskood ah isugu dhiibeen ciidamada qalabka sida ee Ruushka”.
Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya arrintani.
Si kastaba, ciidamada ilaalada xudduudaha Ukraine ayaa ku baahiyay baraha internetka wax ay ku sheegeen cod laga duubay wadahadal dhexmaray ciidamada badda ee Ruushka iyo ciidamadii Ukraine ee ku sugneyd jasiiradda ka hor inta uusan ka lumin xiriirka.
Sida laga maqlayay codka lasoo duubay, ciidamadii Ruushka ee saarnaa markabka oo u sheegayo kuwa Ukraine inay faraha kala baxaan gacan ku heynta jasiiraddan.
Hadalladii saameynta yeeshay ee askarta
“”Waxaan ahay markab dagaal oo Ruush ah, waxaan soo jeedinayaa in aad isa soo dhiibtaan oo hubka dhigtaan si uusan dhiig u daadan,” waxaa la maqalayay ciidamada Ruushka oo hadalkaas dhahayo.
“Haddii kale, gantaallo ayaa la idiin kuugu garaaci doonaa, ma maqashaan?”
Sida ku xusan codka, oo uu xaqiijiyay lataliyaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine, Anton Gerashchenko, ilaalada xuduudaha Ukraine ayaa ka jawaabay hadalkan , iyaga oo u sheegaya markabka dagaalka ee Ruushka “in ay iskood u baxaan!”.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in hadalkaas kadib la maqlay dhawaqa qarax weyn.
Ciidamada badda ee Ukraine ayaa xusay inuusan jirin hal dhismo oo ku haray jasiiradda kadib gantaalaha lagu garaacay.
Sida laga soo xigtay Ukraine, ciidamada badda ee Ruushka waxay xilliggaas isticmaalayeen kanaalka isgaarsiinta caalamiga ah ee loogu talagalay xaqiijinta amniga maraakiibta si ay u sii wadaan wada xaajoodka.
Ciidamadii Ukraine ee ilaalinayay jasiiraddan ayaa xilliggaas looga digay in aysan badbaadin doonin, waxaana lagu yiri “Dib uga fakara carruurtiina, dadkii aad jecleedeen ee ku han weynaa in idiinkoo nool aad dib ugu soo laabataan guryihiina”
Hadal heynta baraha bulshada
Kadib markii uu si weyn u baahay codka laga soo duubay ciidamadii Ukraine ee ku sugnaa jasiiradda ‘Maska’, shacabka Ukraine ayaa si weyn u hadal hayaa arrintani, waxay dadka xusayeen ciidamada Ukraine uga dhintay halkaas iyagoo soo dhigayay sawirradooda.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ilaaladii jasiiradda ‘Maska’ ay inta tabartooda ah si geesinimo leh u difaaceen jasiiradda.
Dhacdadan ayaa dhalisay dhaleecayn ka dhan ah hawlgalka militari ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Khilaafkii ka dhashay lahaanshaha jasiiraddan
Jasiiradda ‘Maska’ waxay ku taallaa meel aan ka fogayn Danube Delta, oo ah aag qani ku ah kaydka saliidda iyo gaaska.
Wuxuu dhulkeeda ku fadhiyay 0.2km oo isku wareeg ah, waxaa ku taallaa tuulada Beloe halkaas oo ay ku noolaayeen ilaalada xuduudaha Ukraine.
Sannadkii 2009-kii, Jasiiradda ‘Maska’ ama Snake Island waxay xuddun u ahayd muran soohdin badeed oo u dhexeeyay Romania iyo Ukraine – taas oo labada dhinacba khilaafka ay xaliyeen ka dib markii ay dacwad geeyeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Hague..