Maxay Ka Wada Hadleen Wasiirka Gaashaandhigga Iyo Danjire Bankole Adeoye?

Wasiirka Gaaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed nNuur ayaa kulan gaar ah la qaaatay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa.

Kulanka labada Mas’uul ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah, iyadoo diiradda lagu saaray kulanka Amniga guud ee dalka, kan doorashada iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kulanka uu la qaatay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye waxaa uu ku sheegay in uu ahaa mid muhiim ah, sidoo kalena mira dhal ah.

“Waxaan kulan miro dhal ah la qaatey wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye. Waxaan ka wada hadalney Amniga guud ee dalka, kan doorashada iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika (ATMIS)” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga kadib Qoraal uu saaray.

Related posts

Shacabka Hargeisa Oo Badan-kooda ka Horyimid Hadalkii Wasiir Maxamed Kaahin

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Al-shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More