Wada Hadalo La Filayo In Uu Dhexmaro Dalalka Ruushka Iyo Ukraine

Wada-hadallada u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka ayaa lagu wadaa Maanta oo Isniin ah iney ka bilowdaan meel u dhow xadka Belarus, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee TASS.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa u sheegay ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson in 24-ka saac ee soo socda inay yihiin muhiim.

Sidoo kale, Milateriga Ukraine ayaa sheegay in Axaddii ay waqti adag u ahayd ciidamadooda iyo in ciidamada Ruushku ay sii wadaan duqeymaha ay ka wadaan dalka iyagoo ku garaacaya dhammaan jihooyinka.

Wasaaradda caafimaadka ee Ukraine ayaa sheegtay in 352 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 14 carruur ah, la dilay tan iyo bilowgii duulaanka Ruushka uu kusoo galay dalka Ukraine.

Dhinaca kale, Barasaabka Kharkiv ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada ka dib markii ay waddooyinka Magaalada ay ku dagaalameen ciidamada Ruushka.

Related posts

Gudomiyaha Ururka Himilo Ee aQarada Yurub Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Dhalingarada Loo Xidhay Calanka Somaliya Iyo Arimo Kale Oo Xasaasiya

Bnnstaff Bnnstaff

Afhayeenka Beelaha Harti Ayaa Ka Hadley Mudo Kordhinta Madaxweynaha Iyo guurtida Iyo Tabashada Beesha.

Bnnstaff Bnnstaff

Dadkii Laascaanood Laga Masaafuriyay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Burtinle Ee Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More