Borama News Network

Tirada dadka ku dhaawacmay dhul gariir ka dhacay Taiwan oo dhaaftay 1,000 qof

Tirada dadka ku dhaawacmay dhul gariir xoog leh oo Arbacadi shalay ka dhacay jasiiradda Taiwan ayaa dhaaftay 1,000 qof, halka dhimashada ay wali taagantahay 9 qof.

Dhul gariirka oo cabbirkiisa ahaa 7.2 qiyaasta dhul-gariirrada ayaa noqday kii ugu xoogganaa ee ku dhufta Taiwan muddo 25 sano ah, ayaa laga cabsi qabaa in khasaaraha uu kordho xilli ay si xowli ah u socdaan howlaha gurmadka ee lagu badbaadinayo dadka ku hoos jira burburka.

Waaxda dab-damiska Taiwan ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhaawacmay dhul gariirka ay hadda mareyso 1,038, halka dadka la la’yahay ay gaarayaan 52 ruux.

Dadka maqan ayaa waxaa ku jira shaqaalo dhisayay hoteello ku yaalla agagaarka xaddiiqada Taroko National Park.

Related posts

” Nin Wasiir ah ayaa ku dagaalamay goobta ,ciidankiisa ayaa qof-na dhawacay” Xildhibaan Mubaarik

Mustafe haji

Cajiib Shirkada Shaacisay In Qofkii Uu Ilmo U Dhasho Ay Siinayso Lacag Ka Badan 75 Kun Oo Dolar Iyo Sababta

Shirkadda Meta oo mamnuucday shirkado warbaahin oo Ruushka laga leeeyahay

Abdiaziz Bnnstaff