Guddi Raysal Wasaare Rooble Uu Magacaabay Soo Qiimaynta Xaalada Garbahaaray Oo Khilaaf Soo Kala Dhex-Galay

Kadib markii Xubno kamid ah Guddiga uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u Magacaabay qiimeynta degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo oo uu horkacayo Abuukaate Cumar Dhageey ay la kulmeen mas’uuliyiin ka socotay madasha wada-hadalka Soomaaliyeed ay arrintaasi ku kala fikir duwanaadeen.

Xoghayaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland kana mid ah Guddiga qiimeynta degmada Garbahaareey ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Guddoomiye Abuukaate dhagey ay tahay mid aan sax aheyn.
“Guddomiyaha Guddiga Qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ( Garbaaharey ) talaabada uu qaadey oo ah la kulanka hay’ado ka baxsan Guddiga ayadoo aysan jirin wax kulan ah oo uu yeeshey Guddiga tan iyo markii la magacaabey, Arintani waxay caqabad ku noqon kartaa hawsha loo igmadey guddigan ayuu yiri” Ibraahim Aadan Ibraahim Xoghaya Guddiga SEIT Jubbaland.

Khilaafka soo kala dhex-galay Xubnaha Guddiga qiimeynta degmada Garbahaareey ayaa kusoo beegmayo xilli laga sugayo inay dhawaan tagaan degmada Garbaahreey si ay qiimeyn ugu sameeyaan in doorasho lagu qaban karo degmadaas iyo in kale si loogu qabto doorashada 16 Kursi ee taalla Magaalada Garbahaareey.

Related posts

Ciidanka Dowlada Somaliya Oo Weerar Ku QaadayJabhad Laga Aas Aasay Baladwayn

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Geeljire Oo Ka Jawaabay Hadalo Dhawaan Ka Soo Yeedhay Boqor Buur Madow

Bnnstaff Bnnstaff

”Ma Jiro Dhaawac Ka Wayn Oo Madaxweynaha Gaadha Marka La Yidhaa Kuma Aqoonsaniin”Proff Cabdi Cali

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More