James Swan Iyo Guddoomiyaha Amniga & Nabadda Ee Midowga Afrika Oo Ka Shiray Doorashada Somalia

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Amniga & Nabadgelyada ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga hadleen Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin muhiimada doorashada Soomaaliya, xaaladda kala guurka ee AMISOM iyo xoojinta iskaashiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay..
Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Amniga & Nabadgelyada ee Midowga Afrika ayaa tilmaamay in muhiim tahay dardar-gelinta doorashada ka socota dalka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka oo gaba-gaba ku dhow.

Danjire Bankole Adeoye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, wuxuuna socdaalkiisa kusoo aaday, iyada oo todobaadyo kaddib uu xilka ka dhammaanayo howlgalka Ciidamada AMISOM, loona diyaar garoobayo in 15 sano kaddib howlgalkii AMISOM loo bedelayo ATMIS.

Related posts

Deg Deg:Fah faahinta Dab Xoogan oo Qabsaday Hoyga Faysal Cali Waraabe ee Hargaysa

Bnnstaff Bnnstaff

“Golaha Wakiilada Waxaan Rajaynayaa In Ay u Codeeyan Muwadininta Loo Soo Xulay Koomishanka Doorashooyinka “Xildhibaan Fu’aad Axmed

Bnnstaff Bnnstaff

Waxa 120 Maalmood Ka Hadhsan Yihiin Wakhtigii La Qaban Lahaa Doorashada Madaxweynaha Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More