Guddiga Qiimeynta Xaaladda Magaalada Garbahaareey Oo Maanta La Kulmaya Axmed Madoobe

Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo kulan ku yeeshaan Madaxweynaha Maamulka Jubbaland axmed Maxamed Islaam & Xubnaha Guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xilsaaray qiimeynta xaaladda Magaalada Garbahaareey.

Shan kamid ah Xubnaha Guddiga oo uu horkacayo Guddoomiyahooda Cumar Maxamed Cabdulle dhagey ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo, halka laba Xubnood oo ka harsan ay Maanta tagayaan si ay ula shiraan Madaxweynaha Jubbaland.

Guddiga qiimeynta xaaladda Magaalada Garbahaareey Cumar Maxamed Cabdulle dhagey ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland ka dhageysan doonaan Warbixintiisa iyo taladiisa ku aadan sida ay doorasho uga dhici karto degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Xubnaha Guddiga ay intaasi kadib tegi doonaan degmada garbahaareey si ay u qiimeeyaan xaaladda Amni, sida degmada ugu diyaarsan tahay qabashada doorashada, Agabka loo baahan yahay iyo wadatashi ay la yeelanayaan bulshada magaalada si ay aragtiyadooda u weeydiiyaan.

Maamulka jubbaland iyo Villa Soomaaliya ayaa isku haya 16 kursi ee taalla Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo maadaama mid kasta uu doonayo in uu isaga maamulo si uu u soo saarto qofkii uu rabo.

Related posts

Abwaan Laabsaalax Oo Ka Dareen Celiyay Guusha Uu Ka Gaadhay Ee Golaha Wakiilada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Dhaawacyada Loo Gaystay Xildhibaan Guruuje

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Jarmalka Oo Soo Bandhigtay Taradii Ugu Badanayd Ee U Dhimatay Cudurka Covid 19 Iyo Digniino Soo Baxaya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More