Maxkamad Maraykanka Ku Taala Oo Laashay Dacwada Loo Haystay Michael Jacksonkii Dhintay

Xaakim dalka Mareykanka ku sugan ayaa laalay dacwad uu soo gudbiyay mid ka mid ah dadkii eedeymaha u soo jeediyay fannaankii dhintay ee Michael Jackson, kaas oo sheegay in shirkadaha Jackson ay u ggolaadeen xiddiggaas inuu tacaddiyo kula kaco isaga iyo carruur kale.

James Safechuck ayaa sheegay in isaga oo 10 jir ah uu tacaddiyo kala kulmi jiray fannaanka.

Sanadkii 2014, wuxuu dacwad ku soo oogay shirkadaha MJJ Productions iyo MJJ Ventures, wuxuuna sheegay “in loo sameeyay inay taageeraan tacaddiyada galmo ee uu Jackson kula kici jiray carruurta”.

Balse qareenka ayaa kiiskaasi laalay, isaga oo sheegay in shirkadaha aysan shaqadooda ahayn inay difaacaan Mr Safechuck.

Jonathan Steinsapir iyo Howard Weitzman, oo wakiil ka ah MJJ Productions iyo MJJ Ventures, ayaa u sheegay BBC-da: “Waan ku faraxsannahay in maxkamaddu ay oggolaatay in Mr Safechuck uusan caddeymo u heynin dacwaddiisa.”

Mr Safechuck wuxuu ka mid ahaa labo nin oo fannaankii geeriyooday ku eedeeyay inuu tacaddiyo u geystay, isagoo arrintaas ka sheegay barnaamij la sameeyay sanadkii hore.

Dacwaddiisa wuxuu ninkaasi ku sheegay in Jackson tacaddi kula kacay boqollaal jeer isagoo ku sugan gurigiisa iyo mar uu safar ku jiray dabayaaqadii sanadihii 1980-meeyadii iyo horraantii 90-meeyadii.

MJJ Productions iyo MJJ Ventures waxaa aasaasay Jackson si uu ugu meel mariyo xirfaddiisa. Balse dacwadda laga gudbiyay ayaa lagu xusay in ujeeddada labaad ee loo aasaasay shirkadahaas ay tahay in lagu taageero tacaddiyaha loo geysto carruurta.

Mr Safechuck ayaa dhowr jeer masraxa kala soo muuqday fannaanka.

Qareenka Mr Safechuck, Vince Finaldi ayaa BBC-da u sheegay: “Wuxuu ahaa shaqaale magacooda ku shaqeynayay isaga oo qoob ka cayaar iyo madadaalin ka sameyn jiray masraxa uu ku sugnaa Michael.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Magaalo Bandow Loo Galiyay Been Uu Hal Qof Sheegay Iyo Waxa Ay Tahay Beentaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Arday Somaliyeed Ku Xaniban Gobolka Tigreyga Ee Dalka Itoobiya Xaalada Adaydaasi Oo Laga Dayrinayo

Bnnstaff Bnnstaff

Shirka Golaha Wasiirad Somaliya Oo Lagaga Hadlay Arimo Xasaasiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More