Colaadda Ukraine: Muxuu Ruushka Si Buuxda Ugu Adeegsan La’yahay Ciidankiisa Cirka?

Tan iyo dagaalkii labaad ee dunida, awoodda ciidanka cirka ee dal uu leeyahay ayaa ahayd halbeega lagu cabiro guusha uu dagaal ka gaari karo dalkaas. Waxaa tusaale loo soo qaataa duullaankii uu Maraykanka ku qaaday dalalka Afghanistan iyo Liibiya, kuwaas oo diyaaradihiisa dagaalka ay ka qaateen kaalin muuqata.

Ka hor inta uusan Ruushka qaadin duullaanka Ukraine, sirdoonnada Reer Galbeedka ayaa saadaalinayay in awoodda ciidanka cirka ee waddankaas ay dowr muhiim ah ka qaadan doonto dagaalka, isla markaana ay wacadaro dhigi doonaan diyaaradaha noocyada badan ee dalkaas.

Hase yeeshee duullaanka oo galay maalintiisa sagaalaad ayaan weli lagu arag awoodda baaxadda leh ee uu dhoola-tusyada ku soo bandhigi jiray ciidanka cirka ee Ruushka, oo lagu tilmaamo inuu yahay kan labaad ee ugu awoodda badan dunida.

Sarkaal Maraykan ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters balse ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay inay u badan tahay in Ruushka uu qiimeeyay khatarta ciidankiisa cirka ka soo gaari karta duullaanka, sidaa darteedna uu u kooban isticmaalkooda.

Khubarada milateriga ayaa sheegay in aanay fileyn in Ukraine ay todobaad kadib markii uu dagaalka bilowday ay weli sii leedahay awood ciidan cir, oo uusan Ruushka gebi ahaanba burburin ciidankaas. Saadaasha ayaa ahayd in Ruushka uu maalmaha ugu horreysa ba burburin doono saldhigyada ciidanka cirka iyo difaaca hawada saree e Ukraine.

Sida uu sanadkan sheegay wargeyska Flight Global ee baahiya xogta diyaaradaha adduunka, Ruushka ayaa haysta 1,511 diyaaradaha dagaalka ah, halka Ukraine ay leedaha 98 diyaaradood oo keliya.

Sawaariiqda lidka diyaaradaha ee Ukraine ayaa khatar xooggan ku ah diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ee doonaya inay hawada ka taageeraan ciidamada lugta, waana taas sababta ugu weyn ee ay Moscow uga taxadarayso adeegsiga diyaarado badan oo kuwa dagaalka ah, sida uu qabo Rob Lee oo ah khabiir ku xeel dheer milateriga Ruushka, una warramay Reuters.

Arrinta kale ee layaabka leh ayaa ah in ciidamada lugta ee Ruushka ay gudaha u galeen Ukraine iyaga oo aan taageero buuxda oo hawada ah ka haysan ciidankooda cirka.

Taasi ayaa ciidamada dhulka ee Ruushka u horseeday khatar uga timaada dhanka Ukraine oo weli leh awood duqeyn hawada ah, isla markaana adeegsanaya diyaaradaha drones-ka Turkiga iyo hubka lidka taangiyada ee ay siiyeen Maraykanka iyo UK.
Ciidamada Ukraine ayaa la yimid iska cabin xooggan oo aan la fileyn, waxaana ay ka hortageen Ruushka oo la filayay in maalmo gudahood uu la wareegi doono caasimadda Kyiv.

Hase yeeshee Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku adkeysanaya in duullaankii uu u socda sidii loo qorsheeyay, ujeedkooduna yahay inay hub ka dhigis ku sameeyaan ciidamada Ukraine.

Putin ayaa muddo ku doodayay in Ukraine ay khatar amni ku tahay dalkiisa, isla markaana uusan aqbali doonin in gaashaan buurta NATO ay kaadka u soo fariisato.

Dalalka Galbeedka oo ka carooday duullaanka Ruushka ayaa cunaqabateyn noocyo badan la beegsaday dhaqaalaha Ruushka, welina ma jirto jawaab muuqata oo ay xukuumadda Moscow ka bixisay tallaabooyinkaas.

Maalmaha soo socda ayaa muhiimad gaar ah u leh dagaalka Ukraine, waxaana la ogaan doonaa in Ruushka uu gebi ahaanba dalkaas qabsado mise in Ukraine ay noqoto dal isla caabiyay duullaanka lagu soo qaaday.

Related posts

“Wixii Siidhi Dalka Yaalay Xukuumaddaa Iibsatay” Musharax Cabdiraxmaan Cirro

Mustafehaji

Raysal Wasaarihii Hore Ee Ukraine Oo Ku Baaqday In La Xidho Hawada Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Muqdisho Oo Siyaabo Kal Duwa Uga Dareen Celiyay Go’aanka Ay Somaliya Ku Caydhisay Safiirka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More