Booliska Puntland Oo War Kasoo Saaray Amniga Boosaaso Xilli Lagu Qabanayo Doorasho

Taliyaha booliiska qaybta Gobolka bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac dirir ayaa ka hadlay qorshaha Amniga Guud ee Magaalada Boosaaso halkaas oo lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka.

Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in laamaha Amniga ay hayaan dad falal Amni darro ka geystay Magaalada Boosaaso, kuwaas oo uu sheegay in dhawaan soo bandhigi doonaan.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Ganacsatada looga baahan yahay inaysan caqabad ku noqon amniga balse ay muujiyaan feejignaan dhanka Amniga ah.

Ugu dambeyn Taliyaha booliiska qaybta Gobolka bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac dirir wuxuu sheegay in dhawaan isbedel weyn oo dhanka Amniga ah laga dareemi doono Magaalada Boosaaso bulshadana waajib ku tahay la Shaqeynta Ciidamada.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa lagu qabanayaa doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, iyada oo Amniga Magaalada siweyn loo adkeeyay.

Related posts

Warbixin:- Sidee Loo Soo Noolayn Karaa Dhaqankii Suubanaa Ee Somalida

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Cunaqabateyn Kusoo Rogay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Boqortooyada Sucuudiga

Bnnstaff Bnnstaff

Shirka Golaha Wasiirada Somaliya Oo Lagu Ansixiyay Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada Oo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More