Madaxada ammaanka dhinaca internet ka ee Ukraine ayaa sheegay in ay ku jiraan dagaal culus oo dhinaca internet ka ah iyo mid dhulka ah intaba.
Waxay sheegeen in ay ku jiraan dagaal joogto ah, kaas oo lagu hayo internet ka dawladda iyo shabakadaha kaabayaasha, sidoo kale internet ka bulshada rayidka ah ayaa la bartilmaameedsaday.
Ku xigeenka madaxa Adeegga Dawlada ee Xiriirada Khaaska ah Viktor Zhora ayaa sheegay in difaaciisa internet ka uu aad isaga caabinayo inta badan weerarada , laakiin dagaal aan la saadaalin Karin ayay kula jiraan Ruushka.
Group ay ciidamadu ku leeyihiin barta Telegram ayaa xubnaha ku jira hadda yihiin 270,000, laakiin wasaarada warbaahinta casriga ah ayaa sheegtay in ay mararka qaar noqonayaan xubnuha group ka 400,000 oo badankoodu yihiin burcada internet ka.