Shariif Xasan: “Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen Ayaa Iga Hor Istaagay In Aan u Duulo Baydhabo”

Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa laga hor istaagay in uu ka duulo magaalada Muqdisho xilli uu ku wajahnaa Baydhabo.

Shariif Xasan wuxuu kamid ahaa musharraxiinta u tartameysa doorashada Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu BBC u sheegay in duuliyihii diyaaraddii uu raaci lahaa uu u sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kasoo fulay amarka loogu diiday in uu u duulo Baydhabo.

“Aniga waxaan rabay in aan Baydhabo aado maadama kursiga reerkeyga ay ku calaamadeysan yihiin lasoo dhajiyay uu yahay 261, tolkeygana wey ii yeereen in aan Baydhabo aado..maanta ayaan diyaaraddii ballansanayn, markaa diyaaraddii masoo kici karta baa la yiri, masoo qaadi kartid baa lagu yiri ninkii duuliyaha ka ahaa diyaaradda laakiin waxaan rabay in aan ka qeybgalo waana la diiday in aan meesha tago” ayuu yiri shariif Xasan.

Related posts

Deg Deg:- Kenya Oo Ka Baxday Dacwadii Bada Ee Bari Loo Balansanaa

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Shaacisay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Hub Sharci Daro Ah Iyo Nuucyada Hubkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Garab Ka Mid Ah Ciidamada PSF Ee Maamulka Puntland Oo U Wareegay Dhinaca Madaxwayne Deni

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More