Burcad Jabsatay Masaajid Ku Yaalla Magaalo Ka Tirsan Mareykanka Oo La Qabtay

Ciidanka Booliska Magaalada St. Paul ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan oo ay xabsi u taxaabeen laba nin ee dhac u geystay masaajidka Al-Ihsan ee ku yaala 955 Minnehaha Ave. West.

Afhayeenka Booliska magaaladda St. Paul Sergeant Natalie Davis ayaa sheegay in ay maalintii Jimcaha gacanta ku dhigeen labada nin ee Masaajidka jabsaday, dhac iyo xatooyana u geystay.

Muuqaal ay duubtay kaamarada ku xiran masaajidka ayaa laga arkay labada nin oo iyagoo masaajidka jabsaday, kaddibna xaday qasnad taalay masaajidka. Qasnada masaajidka laga xaday ayaa la sheegay in ay ku jirtay lacag $4,000 oo Dollar.

Dhaca masaajidka loo geystay ayaa dhacday labo todobaad ka hor oo maalintu ahayd Axad habeenimo saq dhexe ah oo ay saacadu ahayd 12:30 AMi. Ragga masaajidka jabsaday ayaa baabuur taariko la’aan ah ku qaatay qasnada ay masaajidka ka xadeen.

Related posts

Soomaali dhimasho & dhaawac ku noqotay Shil ka dhacay Australia Iyo Tirada Dhimashada

Bnnstaff Bnnstaff

Garoomadii Diyaaradaha Iyo Saldhigyadii Milatarada Yuhuuda Oo La Duqeeyay Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Ka Soo baxay Doodi Xalay ee Baaarlamanka UK ay ka Yeeshen Qadiyada Aqoonsiga Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More