Raysal Wasaarihii Hore Ee Ukraine Oo Ku Baaqday In La Xidho Hawada Dalkaasi

Raysal wasaarihii hore ee Ukraine, Yulia Tymoshenko ayaa dalalka xulufada la ah dalkeeda ugu baaqday “in la xiro hawada” dalka Ukraine.

Waxay sheegtay in Ukraine “ay qiimeysay cunaqabataynta adag” ee lagu soo rogay Ruushka tan iyo markii uu billowday duullaanku, balse waxay sheegtay in Ukraine ay u baahan tahay “caawin dhab ah”.”

Caawintaan ayay ku sheegtay in ay tahay in ” la xiro hawada dalka Ukraine”.

Mar la weydiiyay in haddii NATO ay hawada Ukraine ku soo rogto xaalad deg deg ah oo duulimaadyada ka caaggan in arrintaasi ay xaaladda uga sii darayso iyo in kale, ayay ku jawaabtay “Fasax loogama baahna NATO” waxayna ku adkaysatay in tallaabadaas at qaadi karaan haddii ay isbahaystaan dalalka Ukraine ku xeeran.

Waxay sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka dalbatay in ciidamo nabad ilaalin ah loo soo diro Ukraine iyo in sidoo kale dalkaas la geeno qalabkii ugu dambeeyey ee lidka diyaaradaha.

Dhanka kale bayaan kasoo baxay dowladda Britain ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Boris Johnson uu ka codsan doono hoggaamiyeyaasha caalamka in ay “sameeyaan dadaal cusub” oo lagu joojinayo weerarka madaxweyne Vladimir Putin ee ka dhanka ah Ukraine.

Johnson ayaa hoosta ka xariiqay 6 qodob oo ku aaddan sidii cadaadiska loogu xoojin lahaa Putin, waxayna kala yihiin:

•In Hoggaamiyeyaasha caalamka ay abuuraan “isbahaysi bani’aadannimo oo caalami ah” oo loogu talo galay Ukraine.

•In lagu caawiyo Ukraine dadaallada ay ku difaaceyso waddankeeda.

•In la kordhiyo cadaadista dhaqaale ee la saarayo Ruushka.

•In Beesha Caalamku ay diiddo “Isku dayga uu Ruushka ku doonayo inuu wax caadi ah ka dhigo ficillada uu ka sameynayo Ukraine”.

•In la sii wado dadaalka xal diblomaasiyadeed loogu raadinayo si loo afjaro dagaalka, balse ay qayb ka ahaato dowladda sharciga ah ee Ukraine.

•In la billaabo olole dardar ku socda oo lagu xoojinayo “amniga iyo awoodda dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga Nato”.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sidoo kale la filayaa in uu farriintiisa kusoo bandhigo kulan uu la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, iyo Ra’iisul Wasaaraha Dutch-ka, Mark Rutte.

Kulanka saddexda hoggaamiye ayaa Isniinta ka dhici doona xarunta dowladda UK ee magaalada London.

Maalinta Talaadada ah ee xigtana, Mr Johnson waxa uu marti gelin doonaa madaxda waddamada ku bahoobay isbahaysiga Visegrad ee bartamaha Yurub, oo kala ah Czech Republic, Hungary, Poland iyo Slovakia.

Dowladda UK ayaa sheegtay in waddamadaas ay horayba hadda u dareemayaan dhibaatada ka dhalatay dagaalka ee dhanka bani’aadannimo, maadaama in ka badan 1.4 milyan oo shacabka reer Ukraine ah ay ku bara kaceen maalmo gudahood.

Related posts

Siyaasi Ramaax Oo Sheegay In Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Aan Lagu Aamini Karin Cabdirasaaq Khaliif

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Madawga Ah Ee Ka Qaxaya Colaada Dalka Ukraine Oo Cunsiriyad Kala Kulmaya Dhanka Socdaalka Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Midawga Yurub Oo Fariin Hanjabaad Ah U Diray Madaxda Somalida Si Gaar Ahna Ula Hadlay Deni Iyo Axmed Madoobe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More