Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Dhul La Dhisayo Ku Wareejiyay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe ayaa qaabilay wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali iyo xubno kale oo ka tirsan Hay’adda.

Masuuliyiintan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo shaqooyin kale duwan ka haya deegaanada Jubbaland ayaa waxa uu Madaxweynaha Jubaland kala hadlay dardargalinta howlaha xafiiska iyo sidii loo fududeen lahaa adeegyada bulshada ee ay Hay’adda ka heyso deegaanada Jubaland.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxa uu Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku wareejiyey dhul uu ugu tala galay in laga dhiso xarun weyn oo ay Hay’adda ugu shaqeeyn doonto bulshada ree Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa Maanta waxaa gaaray Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo wefdi uu hogaaminaayo, iyagoona halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

Safarka Agaasimaha Guud ee Hay’adda ayaa ujeedadiisu tahay kormeerka Xafiisyada Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Caasimadda dowlad goboleedka Jubbaland ee Kismaayo iyo u kuur galka caqabadaha iyo horumarada shaqo ee ka jiro Laanta 2aad ee Hay’adda.

Related posts

Ninka Ugu Taanjirsan Dunida Oo Ku Guulaystay Mashruuc Ay Ku Baxayso Lacag Dhan 3 Bilyan Oo Dolar

Meydka Wiil Uu Dil u Geystay Askari ka tirsan Militiriga Soomaaliya Oo La Diiday In La Aaso

Bnnstaff Bnnstaff

Cajiib! Xafiiskii Shareecada Ee Culimada Somaliland Oo Ka Badbaaday Dabkii Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More