Muwaadiniin Afrikaan Ah Oo Looga Digay Inay Ku Biiraan Dagaalka Ruushka Iyo Ukraine

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in muwaadiniinteeda la diiwaan geliyo si ay uga dagaalamaan Ukraine halkaas oo ciidamada Ruushka ay duqaymo ka wadaan magaalooyinka waaweyn.

Arrintan waxay daba socotaa warbixino sheegaya in la qorayo tabaruceyaal reer Nigeria ah si ay uga soo dagaalamaan dalka Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Nigeria ayaa sheegtay in safaaradda Ukraine ay beenisay inay wax door ah ku leedahay howsha lagu eedeeyay.
Balse safaaradda ayaa xaqiijisay in tiro ka mid ah dadka Nigeria ay la soo xiriireen taasoo muujineysa inay rabaan inay ku biiraan dagaalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda.

Safaaradda ayaa sidoo kale iska fogeysay sheegashada ah inay ka codsaneyso $1,000 qof kasta oo Nigeria oo doonaya in uu Ukraine aado si loo siiyo tigidh diyaaradeed iyo dal-kugalka.

Waxay ku soo beegantay maalmo ka dib markii Senegal ay ka digtay iskaa wax u qabso isku qoraya inay la dagaalamaan Ruushka ee Ukraine.

Related posts

Guddiga Diiwaan-Galinta Uurada Siyaasada Oo Ku Dhawaaqay Xilliga Ay Xidhmayso Diiwaan-Galintu.

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Madaxa Banaan Ee La Dagaalanka Musuq Maasuqa Oo Maanta Muqdisho Lagu Dhaariyay

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Shariif:- Madaxwayne Wixii Hore Waan Ka Cafinee Doorashada Banaanka Soo Dhig

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More