Borama News Network

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Weerar Maanta Ka Dhacay Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Warsaxaafadeed ka soo saartay weerar saaka ku bilowday Qaraxyo kaas oo ka dhacay degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Ciidamada Qaranka ayaa saakay fashiliyey dhagar ay Khawaarijtu u soo maleegtay shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen inay magaalada soo geliyaan.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gaari laga soo buuxshay walxa Qarxa uu meel cidlo ah ku qarxay ka gadaal markii laga hortagay, “Ciidamada geesiyaasha ah ayaa ka hor tegay dhagartaas, waxaana meel cidlo ah ku qarxay gaarigii cadowgu damacsanaa inuu ku dhibaateeyo shacabka, kaas oo loo soo ekeysiiyey gaari rakaab ah.”

Qasaaraha ka dhashay weerarka ayey dowladda ku sheegtay in uu burburiyey guryo ay lahaayeen dad shacabka iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, “Guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa ku burburay qaraxaas la fashiliyey, mana jirto dhimasho ah oo soo gaartay shacabka, markii laga reebay dhaawacyo fudud oo soo gaaray saddex askari oo fashilisay dhagartaas,” Sida lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda.

Related posts

LAASCAANOOD: Garaadka Jaamac Garaad Cali Oo Ka Hadlay Dagaalka Maanta Ka Dhacay

Abdiaziz Bnnstaff

Guleed Saalax:- Deni Waan Kala Argti Duwanahay Hadana Waxaan Leeyahay Hambalyo

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Sheegay In Looga Yeeshay Madaxtooyada Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

Abdiaziz Bnnstaff