Taliyaha Ciidanka Dalka Uganda Oo Ku Dhawaaqay Go,aamo Aan Laga Fileyn

Taliyaha ciidamda xoogga dalka Uganda , Sarreeye Gaas Muhoozi Kainerugaba ayaa ku dhawaaqay in uu hawlgab ka noqonayo shaqada ciidmada muddo 28 sano ah kadib.

Codsigiisa hawlgabnimada ayaa la rajeynayaa in la aqbalo iyada oo la marayo sharciga milatariga ee 2005 tii.

Wuxuu ku qoray fariintiisa: “ Kadib 28 sano oo aan ka mid ahaa ciidankeena, oo ah ciidanka ugu wanaagsan aduunka, waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo hawlgabnimadeyda.

Aniga iyo askarteydu waan guulaysanay, waan jeclahay waanan xushmeeyaa saraakiisha guulaystay maalinwalba”

Saraakiil sare oo milatariga Uganda oo uu ku jiro madaxii hore siroonka ee Janaraal David Sejusa ayaa kol-hore diiday in ay aqbalaan codsiga hawlgabnimadiisa, sida aan ka soo xiganay Monitor Uganda.

Related posts

“Doorashada Hal Nin Baa Diidan Waana Madaxwayne Farmaajo” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Bnnstaff Bnnstaff

Kulankii Baarlamaanka Ee Maanta Oo U Baaqday Sababo Amni Darteed

Bnnstaff Bnnstaff

” Dalalka Jaarkeena Ma Dhacdo Dal Miisaaniyadda Goluhu Wax Ka Badalaan…..” Xildhibaan Laabsaalax.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More