Guddiga Doorashooyinka Federaalka Oo Dib U Fasaxay Saddex Kursi Oo Hakiyeen

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fasaxeen saddex oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo shalay hakiyeen, kadib cabasho looga soo gudbiyey kuraasta.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Axmed Safiina oo shir Jaraa’id saqdii dhexe ee xalay qabtay ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga uu dib u fasaxay kuraasta tirsigoodu kala yihiin Hpoe010, Hope 030 iyo Hpoe066 oo doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Baladweyne.

Wuxuu sheegay Afhayeen Axmed Safiina in markii hore kuraasta ay hakiyeen looga soo gudbiyey cabasho la xiriirta hannaanka loo maray kuraasta, balse markii dambe laga buuxa laga gaaray arrintaas, isla markaana Guddiga uu go’aansaday inay dib u fasaxaan.

Sidoo kale Afhayeenka Guddiga ayaa ku wargeliyay ergada iyo Musharaxiinta u tartamaya kuraastaas inay isku diyaariyaan doorashada, maadaama loo dhameystiray habraacyadii doorashada, isla markaana doorashada la qaban doono wixii ka dambeeya salaada Duhur ee Maanta.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa shalay hakiyey qabashada doorashada saddexda kursi ee Golaha Shacabka, xili Musharaxiinta u tartameysa kuraasta la siiyay shahaadada Musharaxtinimo, waxaana Musharaxiinta ku jira Daahir Amiin Jeesow oo sanadihii lasoo dhaafay Xildhibaan ahaa.

Related posts

Seddex Gabdhood Oo Walaalo Ah Oo Hal Goob Lagu Dilay Iyo Booliska Oo Baaritaan Wada

Bnnstaff Bnnstaff

Alshabaab Oo Sheegtay Sobobta Ay Ka Lahaayeen Weerarkii Hotel Afrik Iyo Cidii Ay U Dan Lahaayeen

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo:- Warbixin Ku Saabsan Dekeda Magaalo Xeebeedka Maydh Ee Gobolka Sanaag

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More