KGS Oo Shaacisay Kuraastii Ugu Dambeeysay Doorashada Golaha Shacabka Ee Taalla Baydhabo

Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay qabashada doorashada kuraastii ugu dambeeysay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadooodu tahay Magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay inay qabanayaan doorashada 7 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isla markaana ah kuwii ugu dambeeyay ee labada deegaan doorasho ee KGS.

Guddiga ayaa laga sugayaa inay soo saaran maalmaha soo socda Jadwalka kuraastan iyo Guddiga Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraastaas oo doorashadoodu la qaban doono maalmo kadib, sida uu qorshahu yahay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inuu noqdo maamulkii ugu horreeyay ee gebi ahaan soo gaba-gabeeya doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, xili waqtigii lagu heshiiyay in lagu dhameeyo doorashada ay ka harsan tahay 5 maalin oo kaliya.

Maamul Goboleedyada kale ee Hirshabeelle, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa dhankooda lagu wadaa inay dardar-geliyaan doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku harsan

Related posts

Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowlada Somaliya Oo Muqdisho Isku Rasaaseeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Qisada Basaasad Reer Isreal Ee Laga Siidaayay Xabsiyada Dalka Suuriya Iyo Waxa Ay Ku Bedelatay Xukuumada Suuriya

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka, Qaramada Midoobay Iyo Urur Goboleedka IGAD Oo Baaq Kasoo Saaray Xaaladda Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More