Al-Cadaala Oo Uu Dhaawaqay In Uu u Tanaasulay Musharax Kursi Kula Tartami Lahaa

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cumar Al-Cadaala ayaa ku dhawaaqay in uu iskaga haray tartanka Kursiga Hop#069 oo ahaa mid  isaga iyo Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Xildhibaan Abdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ay ku tartami lahaayeen.

Mr Al-Cadaala ayaa shaaciyay in uu u hambalyaynayo Abdirahmaan odowaa kaas oo uu xusay in uu noqonayo xildhibaanka matali doona Afarta Sano ee soo socota.

Sido kale, waxaa uu dhankooda u jeediyay mahadcelin taageerayaaashiisa kale duwan, isagoo xusay in uu halgankiisa halkaa ka sii socon doono.

“Waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga. Waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda kala duwan oo aan leeyahay waad mahadsantihiin. Halganku wuu soconayaa insha allaah. Dhamaanteen waan guulaysanay. Gacmaha ayaan isqabsanaynaa horay ayaanan usoconaynaa insha allaah.” Ayuu Yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Dhinaca kale, qoraal uu soo saaray isna Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayuu ugu mahadceliyay Al-Cadaala  sida sharafta iyo xurmadda leh ee uu ugu tanaasulay tartanka kursiga Hop#069.

“Waxaan u mahad celinayaa Wasiir ku xigeenka warfaafinta wiilkayga Abdirahman Yusuf Omar sida sharafta iyo xurmadda leh ee uu iigu tanaasulay. Waxaan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan anoo ballan qaadaya inaan gacmaha is qabsanno si aan ugu adeegno bulshadeenna. Caawo waan wada guulaysanay adeer. Allaa mahad leh,” ayuu yiri Odowaa.

Related posts

Cabdirashiid Janan Oo Shaaciyay In Uu La Heshiiyay Dowlada Somaliya Kuna Soo Waajahan Yahay Baladxaawo

Bnnstaff Bnnstaff

Waraysi Xiiso Badan:- Xoghayihii Hore Ee Ucid Oo Ka Waramay Waxyaabaha Uu Ka Aaminsanyahay Faysal Cali Waraabe

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Go’aamo Ka Soo Saartay Goobaha Waxbarashada Iyo Isku Imaatinka Bulshada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More