Waa Kuma Ninka Soomaaliga Ah Ee Hoggaaminaya Isbedelka Cusub Ee Lagu Sameynayo Kenya?

Dalka Kenya waxaa shaley laga dhawaaqay qorshe la isugu soo dhaweynayo shacabka, kaas in muddo ah laga dhuursugayay. Waa barnaamij soo jeedineysaa in isbaddallo dhowr ah lagu sameeyo hanaanka siyaasadeed.

Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo ra’iisul wasaarihii hore Raila Odinga ayaa warbixintaas lagu wareejiyay. Waa qorshe loogu yeeray Dhisidda Hanaan isu fura shacabka ee BBI.

Isbedelkan waxaa hoggaaminaya Maxamed Yusuf Xaaji (oo dadka badankooda ay ugu yeeraan Yusuf Xaaji), oo ah sanetarka laga soo doortay Garissa, kaas oo siyaasadda iyo hoggaanka Kenya ka mid ahaa muddo aad u dheer. Warbixintan waxaan ku eegeynaa qofka uu yahay Yusuf Xaaji iyo kaalintiisa hoggaanka sare ee dalkaas.

Waxaa sidoo kale goobta warbixinta loogu magacdaray dhisidda hannaan mideeya Kenya (BBI). Goobta warbixinta lagu soo bandhigay waxaa goobjoog ka ahaa Rai’sul wasaarihii hore Kenya, Raila Odinga oo ah siyaasiga ugu sarreeya ee u ololeynaya isbedelkan.

Uhuru Kenyatta waxaa uu ku tilmaamay isbadalka lagu sameynayo dastuurka in uu yahay mid mideynaya shacabka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaan ka qeybgalin soo bandhigidda warbixinta isbedelka, kaas oo si wayn uga soo horjeeda in wax isbedel ah lagu sameeyo dastuurkii 2010-kii.

Isbedellada la filayo:
Waxyaabaha ku jira warbixinta BBI waxaa ka mid ah in isbadal lagu sameeyo nidaamka xukunka dalka. Waxaa la soo dooran doonaa madaxwayne awood u leh in uu magacaaabo ama shaqada ka ceyriyo rai’isul wasaare.
Waxyaabaha la soo jeediyay waxaa ka mid ah in Kenya ay yeelato rai’sul wasaare iyo labo ku xigeen. Waxaa sidoo kale ka mid ah in la sameeyo xafiiska hogaamiyaha rasmiga ah ee mucaaradka.

Qodobadda kale ee ku jira waxaa ka mid ah in la kordhiyo lacagaha la siinayo dowlad goboleedyada oo imika ah 15% dakhliga dalka lana gaarsiiyo ilaa 34% boqolkiiba.

Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu guddoomiye ka ahaa guddiga diyaariyay warbixinta. Waa siyaasi caan ka ah Kenya, marna ahaa wasiirkii Gaashaandhigga Kenya, xilligii militariga dalkaas ay Soomaaliya galayeen, 2011-kii.

Waa kuma Yuusuf Xaaji
Magaciisa oo saddexan waa Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu sannadkii 1940-kii ku dhashay gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ay degto ee Kenya, gaar ahaan Garissa. Waxa uu dhalay illaa 9 carruur ah.

Waxaa caruurtiisa ka mid ah Nuuradiin Yusuf Xaaji oo imika ah dacwad oogaha guud ee Kenya, kaas oo lagu garanayo in uu dacwado ku oogo siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Waqtigii uu siyaasadda ku soo biiray
Yuusuf Xaaji waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer maamulka dowladda iyo siyaasadda Kenya ku soo jiray.
Waxaa uu sannadkii 1960-kii, shaqdiisa ka soo bilaabay gudoomiya degmo jagadaasi oo muddo dheer soo hayay.

Sidoo kale, muddadii u dhexeysay 1970-kii illaa 1998, wuxuu ahaa barasaabkii gobolka Rift Valley. Waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay qof markasta u dhow maamulka xilka haya iyo madaxtooyada.

Sidoo kale, wuxuu mar noqday barasaabka gobolka Xeebta ee Kenya oo xaruntiisu tahay magaalada Mombasa.

Maxamed Yusuf Xaaji ayaa soo qabtay xilal badan oo dhanka wasaaradaha ah.
Sannadkii 1998 wuxuu si magacaabid ah uga mid noqday baarlamaanka kenya. Sidoo kale, wuxuu mar noqday wasiir ku xigeen, wuxuuna aad ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi.

Sannadkii 2002-dii, ayuu u tartamay kursiga baarlamaanka ee deegaanka Ijaara oo ka tirsan Garisa, wuuna ku guuleystay. Markii labaad ee loo doortay waxay ahayd sannadkii 2007-dii.

8 bishii January 2008, Yuusuf Xaaaji, waxaa loo magacaabay wasiirka Gaashaadhiga Kenya, wuxuuna xilkaas hayay illaa tan iyo 2013-kii.

Muddadii uu xilkaas hayay, waxay ahayd xilligii ay Kenya ciidamadeeda u gudbeen gudaha Soomaaliya si ay halkaasi ugula dagaalamaan ururka Al-Shabab.

8 bishii Janaayo 2012 ayaa Yusuf xaaji loo magacaabay sii hayaha xilka wasiirka amniga gudaha dalka Kenya, ka dib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday wasiirkii amniga George Saitoti.

Doorashadii Kenya ee 2013-kii, ayuu noqday Yusuf Xaaji sanatarkii ugu horeeyay ee laga soo doortay Gaarisa, wuxuuna markale ku guuleystay isla kursigaas, sannadkii 2017-kii.
Maxamed Yusuf Xaaji, wuxuu hadda yahay Gudoomiya golaha loo xilsaaray in ay soo diyaariyaan qorsha wax looga badalayo dastuurka Kenya.

Waxaa qorshahaasi lagu magacaabaa BBI waana mashruuc isbadal ballaaran loogu sameynayo dastuurkii ay dadka Kenya u codeeyeen 2010.

Sidoo kale waa lataliye sare oo ka tirsan madaxtooyada Kenya.

BBI “Soomaalida wuxuu u leeyahay qasaare”
Ibedelka waxaa ka mid ah in Kenya ay yeelato Madaxweyne, Ra’iiusul Wasaare iyo labadiisa ku xigeen iyo hogaamiyaha mucaaradka oo noqoneya qofka looga guuleysto doorashada.

Madaxweynaha marka la soo doorto wuxuu soo magacaabi doonaa, Ku-xigeenkiisa iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Bilow Aadan Keeroow oo ah sanatarkii hore ee Mandeera ayaa BBC-da u sheegay in gobolka Soomaalida ay dani ugu jirto waxyaabaha qaar ee ku xusan mashruuca sida lacagaha loo qonddeeyo gobollada oo sare loo qaadayo.
XIGASHADA SAWIRKA,.
“Faa’idada waxaa ka mid ah in lacagaha la siiyo dowlad goboleedyada sare loo qaaday boqolkiiba 35% oo ah wixii dhakhli ah oo dowladda dhexe soo gala in la siiyo maamul goboleedyada”.

Wuxuu sidoo kale sheegay in saami qeybsiga ku saabsan tirada codadka ee uu gobolka kasta heysto in saameyn weyn ay u horseedi doonto gobolka soomaalida maadama arrintaas horey loo salugsanaa.

“Laakiin waxaad moodda in hannaanka baarlamaanka, gaar ahaan Soomaalida, uu khasaare u horseedi doono, sababta oo ah, waxay soo jeedinayaan nidaam cusub oo xildhibaanada la soo dooran doono lagu saleyn doono tirada bulshada ee ku nool deegaan kasta, si wax loogu qeybsado tirada codadka ee uu deegaan walbo heysto”.

“Haddii nidaamkaas uu hirgalo waxaad mooddaa in gobolka Waqooy Bari ay khasaare u horseedi doonto, maxaa yeelay xildhibaano badan ayay heli doonaan gobollada kale ee bulshadoodu badan tahay,” ayuu yiri Bilow Keeroow.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Oo Ku Baaqay Shir Deg Deg Ah Si Xal Loogu Helo Xaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlad Golaheeda Wasiirada Dhammaan Ay Haween Yihiin Waase Tee Dowladaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Midowga Musharaxinta”Ma Aqbaleyno In Dalka Ay Xukumaan Shaqsiyaad Muddo Xileedkoodu Dhamaaday”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More