Ra`iisul Wasaaraha Dalka Canada Oo Mar saddexaad Ka Badbaaday Codka kalsooni Darrada Oo Loo Qaaday

Ra`iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo xisbigiisa liberal-ka ee laga tirada badan yahay ayaa ka badbaaday doorasho ku celis ah oo la qaban lahaa.

Codkan oo Arbacadii la qaaday ayaa ku saabsanaa mooshin ay soo gudbiyeen xisbiga Conservative-ka oo dalbanayay in guddi gaar ah loo saaro qaabkii loo kharash gareeyay lacagaha coronavirus.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa sanad kaddib markii Mr Trudeau uu si dirqi ah ugu guuleystay doorashada.

Waxyaabaha lagu heystay dowladda Trudeau waxaa ka mid ahaa qandaraas la siiyay hay`adda WE Charity, taas oo la sheegay inay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah qoska ra`iisul wasaaraha.

Arrintaas waxay kalliftay in Mr Trudeau uu waayo wasiirkii dhaqaalaha dalkaas, oo muddo dheer xilka hayay.

Mr Trudeau ayaa raalligelin ka bixiyay inuu ka qeyb qaatay go`aan uu golaha wasiirrada ku oggolaaday in qandaraas lagu siiyo ha`addaas.

Waa markii saddexaad ee xisbiga Liberal-ka loo qaado codka kalsooni darrada tan iyo intii uu shaqada ku soo laabtay baarlamaanka dalkaas, dabayaaqadii September.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

vQarax Ka Dhashay Haan Gaas Oo Ka Dhacay Suuq Ku Yaalla Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Soomaalida Ku Nool Gudaha Dalka Sweden Oo Bilaabay Olole Carruurta Looga Badbaadinayo Rabshadaha

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Ka Badan 100 Qof Oo Amxaaro Ah, Ayaa Lagu Dilay Gudaha Dalalka Itoobiya.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More