Sida shakhsiga ah ee uu madaxweyne John Magufuli ula tacaalay cudurka Covid-19 waxay dalkiisa Tanzania kusoo jeedisay indhaha caalamka. Hadda ninkan oo ka mid noqday hoggaamiyeyaasha maskaxdooda kaliya ku shaqeeya ee gobolka wuxuu doonayaa in mar labaad xilka loo soo doorto.
Markii uu fayraska corona gaadhay Tanzania, madaxweyne Magufuli ma uusan aaminsaneyn fikirka ah in dadku ay guryahooda joogaan. Wuxuu doonayay in dadka ay tagaan Masaajidyada iyo Kaniisadaha ayna ku duceystaan sidii ay cudurka uga badbaadi lahaayeen.
“Coronavirus, oo ah sheydaan, kuma dhex noolaan karo qof masiixi ah jirkiisa… si deg deg ah ayuu u gubanayaa,” ayuu yidhi Magufuli oo hadlayay 22-kii bishii March, xilli uu ku cibaadeysanayay kaniisad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dodoma.
Markii dambena wuxuu ka hadlay sida uu uga soo horjeedo kala fogaanshaha dadka iyo xirashada maaskarada, wuxuuna su’aal kaliya faa’iidada ku jirta in xitaa fayraska la iska baaro. Wuxuu baaritaan u diray xayawaanno iyo miro fayraska lagu abuuray. Wuxuu sheegay in Babaay iyo neef ri’ ah labadaba laga helay fayraska.
Madaxweynaha Tanzania wuxuu sheegay in uusan marnaba amar ku bixin doonin xiritaanka ganacsiyada, wuxuuna dhaliilay dalalka dariska la ah ee sidaas sameeyay.
Inkastoo dad badan ay saluugsanaayeen habka uu Magufuli u wajahay cudurka, haddana tallaabooyinka uu qaaday waxay astaan u ahaayeen qaabka uu u wax u maamulo.
Markii lagu dhawaaqay in John Magufuli uu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha maalintii ku aaddaneyd sanad guurada 56-aad ee dhaslashadiisa, ee bishii October 2015-kii, wuxuu u muuqday inuu yahay qofka ay reer Tanzania u baahnaayeen, maadaama uu ahaa madaxweyne neceb musuqmaasuqa.
Tallaabooyinkii uu u qaaday dhinaca la dagaallanka wax isdaba marinta waxay tusaale u ahaayeen madaxda kale ee dalalka Afrika oo intooda badan la liicliicaya maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan.
Maalintii ugu horreysay ee uu xafiiska tagay, wuxuu diray farriin kulul oo uu ku sheegay in uusan u dulqaadan doonin shaqaalaha dowladda ee aan shaqada xaadirin. Wuxuu sidaas sameeyay kaddib markii uu tagay wasaaradda maaliyadda oo qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay maqnaayeen.
Wuxuu sidoo kale cagta mariyay kumannaan qof oo ah kuwa loo yaqaanno “dadka mushaarka bilaashka ah ka qaata dowladda ee aan shaqaalaha ahayn”, wuxuuna shaqada ka wada eryay saraakiil lagu eedeynayay inay musuqmaasuq ku dhaqmaan ama aysan howl wanaagsan u qabanin shacabka.
Mararka qaarkood xitaa wuxuu tallaabooyinkaas qaadayay isagoo toos looga daawanayo telefishinka.
Wuxuu yareeyay kharashaadkii laga maarmi karay ee ay dowladdu isticmaaleysay, isagoo markii ugu horreysay muddo 54 sano ah baajiyay dabaaldagyada Maalinta Xorriyadda.
Taas baddalkeeda wuxuu amar ku bixiyay in in dadweynaha ay sameeyaan olole nadaafad ah, gacmihiisa ayuuna ku qaadayay qashinka yaallay meelo ka mid ah xarunta madaxtooyada bannaankeeda.
Sanadkii ugu horreeyay ee uu madaxweynaha ahaa Magufuli wuxuu hantay taageero badan oo dhinaca shacabka ah, dad badan ayaana ugu mahadcelinayay baraha bulshada ee uu ugu horreeyo Twitter-ka.
Laakiin dhinaca kale, waxaa jiray cillad uu maamulkiisa lahaa, oo ah in uu sii baaba’ayay fikirkii dhinaca dimuqraaddiyadda ee uu waddankiisa qabay.
Xafiisk Wararka BoramaNews
BoramaNews.com