Sheekh Shariif Oo Kulan Xasaasi Ah Nairobi kula Yeeshay Xasan Cali Kheyre

Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre oo Madaxweyne iyo RW ka soo noqday dowladihii ugu dambeeyey ee dalka soo maray ayaa galabta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi.

Labada masuul oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa waxaa kulankooda ku wehliyay Xildhibaano iyo xubno aad ugu dhow.
Ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen kulankooda balse wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlay arrimo la xiriira xaalada siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.

Kheyre ayaa la sheegay inuu uga garaabay Shariifka wixii tabasho ah oo dhankiisa uu ka qabay ama dhacdooyinkii Shariifka uu la kulmay intuu xilka hayay.

Waxyaabaha ay ku heshiiyeen ayaa la sheegay iney ka mid tahay wada shaqeyn iyo in si dhow la isaga war-qabo, iyadoo Ilo ku dhow kulanka ay sheegayaan in lagu balamay kulamo kale.

Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo labadii bil ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta oo ay qoyskiisa degan yihiin.

Shariifka ayaa Masraxa siyaasadda mar kaliya laga waayay, tan iyo markii ay Muqdisho ka bilowdeen shirarkii lagu gaarayay go’aamada doorashada ee u dhaxeeyay dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyadoo dad badan is weydiinayeen sababta Shariifka mar kaliya loo waayey muuqiisa iyo maqalkiisa

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidanka Amaanka Galmudug Oo Fuliyay Hawl Gal Lagu Soo Qabqabtay Rag Budhcad Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Shir Lagaga Hadlayey Khataraha Lacagaha Sida Sharci Darada Ku Soo Gala Dalka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Shil Sobobay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Qardho Iyo Tirada Dadka Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More