Guddiga Doorashada Galmudug wuxuu qabtay Doorashada Kursiga HOP#095 oo ay isku diiwaangeliyeen murashixiinta kala ah:-
1- Maxamed Saciid Faarax
2- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
3- Maxamuud Kudun Xiimaa
4- Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac)
Codbixinta inta ay Bilaaban waxaa tanaasulay Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac) Natiijada codbixinta 3-da Musharax oo soo hartay waxay ku dhamaatay,
1- Maxamed Siciid Faarax oo helay 44 cod
2- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo helay 35 cod
3- Maxamuud Kudun Xiimaa oo helay 22 cod
Wareega Labaad Musharixiinta codadka u kala heleen.
1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) oo helay 54 cod
2- Maxamed Siciid Faarax oo helay 47 cod.
Sidaa daraadeed kursiga HOP#095 waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) oo helay 54 cod.