Mareykanka Oo Digniin u Diray Shiinaha Iyo Ujeedada Laga Leeyahay Digniintaasi

Mareykanka ayaa Shiinaha uga digay in ay ku xad gudubto Cuneqabateynada ka dhashay dagaalka Ukraine ay saareen Ruushka.

“Waxaan si toos ah iyo si gaar ahba ula hadalnay Mas’uuliyiinta Shiinaha, annaga oo kala hadleyna Cawaaqibka ka dhalan kara haddii ay taageeraan Ruushka, marna ma oggalaaneyno in lagu xad-gudbo Cuneqabeynada Dhaqaale ee aan ku soo rognay Ruushka, cid kasta ha ku kacdo xad-gudubkaasiye” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan oo wareysi siiyay Telefishinka CNN.

Wefdi sare ka socda Mareykanka oo uuna Horkacayo MR Jake Sullian, la-taliyaha Amiga ayaa maalinta Isniinta berri, ku kulmaya Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga si ay uga wada hadlaan Arrimaha la xiriira Cuneqabatenada.

Dhinaca kale, Militeriga Ruushka ayaa isku dayaya in dhinaca Bari ee Caasimada Ukraine ay Kyiv
ay jaraan, taasi oo cabsi ku abuurtay dadka deggan halkaasi.

Related posts

Daawo:- Qaabkii Ay U Dhacday Dhegaysiga Kiiska Eedda Xubno Ka Tirsan Hay’adda Socdaalka Oo Loo Hayato Arimo Musuq .

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Khaladaad Lagu Arkay Manhajka Cusub Ee Waxbarashada Qaranka

Bnnstaff Bnnstaff

Fannaanka Caanka Ah Teddy Afro Oo Itoobiya Ugu Baaqay Inay Soo Afjarto Dilka Shacabka Lagula Kaco

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More