Booliska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay Doon la afduubtay

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka warbixiyay kiis la xiriira Doon siday waxyaabaha maanka dooriya oo lagu afduubtay inta u dhaxeyso xeebaha xaafuun.

Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa sheegay in Doonta la afduubtay 8-bishaan maarso ee sanadkaan uu wade ka ahaa naaquude u dhashay dalka Yeman iyo 3 qof oo Soomaali ah.

Waxaa uu sheegay in Khilaafkaas uu sabab u noqday in 3-da ruux ee Soomaaliya ah markii ay soo gaareen xeebaha Soomaaliya ay afduubteen Doontii.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ay ku raad joogaan dhacdadaan, isagoo xusay in xiligaan Soomaaliya aysan ka jirin wax burcad badeed ah.

Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa sheegay in raga Saddex-da ah ee doonta afduubtay ay haatan usoo gudbeen badweynta.

Dhawaan ayey ahayd markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ka aamuseen inay dib u cusboonaysiiyaan ruqsada uu hore u siiyay Midowga Yurub ee ay ciidamadoodu kula dagaallamaayeen burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya, taas oo ka dhigan in uu soo afjaray howlgalka.

Related posts

Khasaare Hor Leh Oo Ka Dhashay Iska Hor Imaadyo Dhex-Maray Falastiiniyiinta Iyo Booliska Yuhuudda

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Muqdisho Oo Ka Dareen Celiyay Hanjabaadyada Beesha Caalamka Iyo Falcelinta Dowlada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Ramaax Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Xukuumada Muuse Biixi Baaqna Shacabka U Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More