Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo lala eegtay ciidamada waddanka Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.
Miino lagu aasay wadaada dhinaceeda ayaa sababtay qarax xoogan oo khasaare nafeed gaadhsiiyay ciidamada Kenya magalaada Mandheera.
Kooxda alShabaab ayaa war ay soos aareen ku sheegtay masuuliyadda qaraxan, isagoo noqonaya kii labaad ee saacado gudahood ay Kenya ka fuliyaan kadib qaraxii Wajeer.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen maydadka ciidamada Kenya, iyadoo la sugayo warka faahfaahinta ee kasoo baxa dhanka Kenya.