Maraykanku wuxuu kordhinayaa tirada ciidamadiisa ku sugan dalka dhaca Bariga Afrika ee Soomaaliya, kadib codsiyo tiro badan oo madaxweynaha Maraykanka ay u gudbiyeen waaxihiisa difaacu.
Wasaaradda Gaashaan dhiga ee Maraykanka ayaaa lagu wadaa in ay dhawaan cidamo dheeraad ah u dirto dalka Soomaaliya.
Waa tallaabo ka danbaysay kadib markii la sheegay in khatarta kooxda alShabaab ay korodhay wixii ka danbeeyay markii ciidamada Maraykanka laga saaray Soomaaliya maalmihii ugu danbaysay ee nmadaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu joogay Aqalka Cad.
Sennedka Maraykanka ayaa taageeray qorshaha ciidamada cusub Soomaaliya dib loogu celinayo.