Wada Hadalada Ruushka Iyo Ukraine Oo Meel Wanaagsan Maraya

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in wada hadalada ay la leeyihiin Ruushka ay haatan u muuqdaan kuwo macquul ah, oo yeelanaya natiijo mira dhal ah.

Hadalkan ayaa yimid ka gadaal markii mar kale ay is hor fariisteen xubno ka kala socdey Ukraine iyo Ruushka talaadadii.

Muuqaal la baahiyey xaley, ayuu ku sheegay Zelensky in ay soo baxayaan mowqifyada wada xaajoodyada, iyadoo ay jirto ifafaalo wanaasan.
Ha yeeshee wuxuu intaa ku darey “wali in loo baahan yahay waqti dheeraada, oo ay go’aanada ku noqon karaan danta Ukraine”.

Wada hadalada u dhaxeeya Ruusha iyo Ukraine, ayaa lagu wadaa in xili dambe oo maanta ah ay sii socdaan.

Madaxweyne Zelensky, ayaa sidoo kale khudbad u jeedin doona Congress-ka Mareykanka maanta.

Related posts

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Berbera Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Maareeyaha Madaarada Somaliland Iyo Shirkada Dp World

Bnnstaff Bnnstaff

Hotel Cusub Oo Maanta Laga Furay Magaalada Borama Iyo Maayirka Borama Oo Xadhiga Jaray

Bnnstaff Bnnstaff

Ergeyga Gaarka Ee Mareykanka u Qaabilsan Afghanistan Oo Kulamo Ka Wada Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More