Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dhul-Gariirka Ku Dhuftay Dalka Japan

LoopDhimashada iyo dhaawaca ayaa sii kordhaya gudaha waddanka Japan kadib markii  dhul gariir culusi uu ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkaas.

Waa dhul gariir cabirkiisa lagu sheegay 7.3 cabirka dhul gariirka waxaana micnaheedu tahay in uu keenayo bur bur dhammaystiran dhul gariirka cabirkaas gaadhaa.

Deegaanada waqooyi bari dalka japan ayuu imika haleelay dhul gariirkani iyadoo uu yahay kii ugu awoodda badnaa ee sanado soo mara Japan.

Dhaawaca 90 qof iyo dhiamshada laba kale ayaa lagasoo sheegayaa imika deegaanada dhul gariirku ka dhacay, iyadoo maamuladu ay wadaan tiro koobka mashaqada jirta.

Cabsida ugu wayn ayaa timi kadib markii magaalooyinka ay ku yaalaan warshadaha nukliyeerka la sheegay in saamaynta dhul gariirku gaadhay, waana arin cabsi galinaysa Japan iyo shacabka dalkaas.

Related posts

Muxuu Sheegay Hoggaamiyaha Ruuxiga Ee Daalibaan Oo Markii Ugu Horreysay fagaaraha Lagu Arkay?

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Oo Ka Hadhay Tartanka Doorashada Madaxweynaha

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Afrika Oo War Kasoo Saaray Weerarkii Ay Yuhuudu Ka Gaysatay Masjidka Al-Aqsa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More