Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Magaalada Baraawe Oo La Weeraya Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab xalay waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Aagga halka loo yaqaano Biyamaalow oo ka tirsan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa jugta hub culus oo ay isku ridayeen Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM, isla markaana baqdin ku abuurtay.
ro kala duwan oo ka dhashay dagaalka walow aan sirasmi ah loo xaqiijin maadaama ay aheyd xilli habeen ah oo dadka badi ay jiifeen, sidoo kalena aan loo dhawaan karin Saldhiga Ciidamada AMISOM ee la weeraray.

Saraakiil katirsan laamaha

 

Waxaa jira khasaa Amniga degmada Baraawe ayaa sheegay in heegan la geliyay intii uu dagaalka socday Ciidamada kala duwan ee ku sugan degmada Baraawe, isla markaana xaaladda hadda ay tahay mid degan.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaadda talisyada Ciidanka Xoogga iyo Kuwa AMISOM ay deggan yihiin ee degmada Baraawe, iyada oo weli saraakiisha Ciidamada AMISOM sirasmi uga hadlin weerarkii lagu soo qaaday Saldhigooda degmada Baraawe.

Related posts

Qarax Ka Dhacay Dalka Pakistan Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Qaraxaasi Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Shacabka Magaalada Hargeysa Oo Baaq Deg Deg Ah Diray Madaxwayne Muuse Biixi

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Saylac Oo Doortay Maayir Iyo Maayir Ku Xigeen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More