Dowladda Somalia Oo Sheegtay In Howlgal Lagu Dilay Saraakiil Al-Shabaab Ah

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa si wadajir ah howlgallo qorsheysan uga fuliyey degaajo katirsan Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Degaanada ay Ciidamada howlgalka ka fuliyeen ayaa kala ah, Beerxaani, Qudus, Labikuus, Gaabow Gabdhooley, Shabac , Ceelcad, Cabdi dhoore, Mudulow, Qotey Tuweer iyo Buurqeylo ee gobolka Jubbada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in Howlgalka lagu burburiyay Goobihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay dileen laba Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab kana furteen hubkii ay wateen labada Sarkaal ee la dilay.

Sidoo kale intii ay howlgalladu socdeen ayay ciidamadu waxay raashin iyo biyo gaarsiinayeen shacabka abaartu saameysey ee ku sugan degaannada howlgalka laga fuliyay.

Degaannada iyo degmooyinka katirsan Govolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay mar walba ka fuliyaan howlgallo kala duwan, iyaga oo la wareega degaani ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

 

Related posts

Xisbiga Waddani Oo ka hadlay Wadada Afarta haad ah ee Madaxtooyada Laga Hor Dhisayo

Mustafehaji

Madaxwaynaha Dalka Ukraine Oo Ogooladay Mid Ka Mid Ah Qodobada Ugu Wayn Ee Ruushka Ka Rado Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Diiday Dhexdhexaadinta TPLF Oo Soo Dabacday Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More