Borama News Network

Kabtan Kooxda Arsinal Odegaard Oo sheegay in Arsenal aanay ka cabsaneyn Bayern Munich

Arsenal kama “cabsan doonto” weeraryahanka Bayern Munich Harry Kane marka ay wajahaan kooxda heysata horyaalka Jarmalka, wareega 8da Champions League, ayuu yiri Martin Odegaard, kabtanka kooxda Arsenal.

Kane ayaa dhaliyay 38 gool tan iyo markii uu Bayern kaga soo biiray Tottenham Hotspur xagaagii hore, isagoo 14 gool u dhaliyay Spurs 19 kulan oo uu ka horyimid Gunners.

Lugta hore ee caawa Emirates Stadium waxa ay dhici doontaa saacaddu marka ayy tahay 20:00 BST.

“Waa ciyaaryahan wanaagsan, waan ognahay tayada uu ku leeyahay diilinta ganaaxa,” ayuu yiri Odegaard.

inkasta oo Kane uu dhaliyay goolashiisii, Bayern aad ayay u adagtahay inay xaqiijiso horyaalkii 12-aad oo xiriir ah Bundesliga xilli ciyaareedkan. Bayer Leverkusen ayaa hoggaanka ku haysa 16 dhibcood.

Dhanka Arsenal waxa ay farqiga kala duwanaashaha goolasha ku hogaaminayaan horyaalka Premier League oo 7 kulan u harsantahay.

Gunners ayaa rajeyneysa inay gaaraan semi-finalka Champions League markii ugu horeysay muddo 15 sano ah.

Related posts

Dowlada Shiinaha Oo War Ka Soo Saartay Weerarkii Ay Dowlada Iran Ku Qaaday Isreal

Abdiaziz Bnnstaff

Duufaan Xoogan Oo Gabi Ahaanba Baabi’isay Gobol Ka Tirsan Dalka Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii ugu dambeyay ee xaaaladda degmada Luuq oo dagaallo culus ay shalay ka dhaceen

Abdiaziz Bnnstaff