Madaxwaynaha Dalka Ukraine Zelensky Oo Codsi Ujeediyay Israa’iil

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa ka dalbaday Israa’iil in ay gacan ka siiso dagaalka ay kula jiraan Ruushka.

Zelensky ayaa sidoo kale ku dhaliilay Israa’iil sida ay uga caga jiideyso inay tignoolajiyadeeda difaaca gantaallada u dirto Ukraine.

Khudbad uu u jeediyay baarlamaanka Israa’iil, ayuu ku yiri: “Qof walba waa ogyahay in nidaamkiina difaaca gantaallada uu yahay kan ugu wanaagsan… xaqiiqdii waxaad caawin kartaa dadkeenna.

dhanka kale Ukraine ayaa iska dhega tirtay waqti kama dambeys ah oo uu Ruushka u qabtay ciidamada inay isku soo dhiibaan magaalada Mariupol.

Moscow waxay sheegtay inay furi doonto waddooyin bini’aadantinimo haddii saraakiisha Ukraine ay ogolaadaan inay hubka dhigaan.

Si kastaba ha ahaatee, Ukrain ayaa diiday dalabkaas, waxayna wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo saraakiisha Mariupol ay horay u sheegeen in Ruushku uu weeraray dugsi farshaxan oo ku yaalla magaaladaas, halkaas oo ilaa 400 oo qof ay gabaad ka dhiganayeen.

Duqeymo culus oo ka dhacay goob xaafad ah iyo goob laga dukaameysado oo ku taal Kyiv ayaa galaaftay ugu yaraan noolasha hal qof, sida uu sheegay duqa magaalada Vitali Klitschko.

Axadii, madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelensky wuxuu la hadlay baarlamaanka Israa’iil si ay u taageeraan

Maamulka Ukraine ayaa sheegay in in ka badan 7,000 oo qof la daadgureeyay ka dib wadooyinka bini’aadantinimo oo la furay Axaddii.

Ballanqaadyada bini’aadantinimo ee Moscow lama aamini karo, sida uu sheegay Pyotr Andryushenko, oo ah la taliyaha duqa magaalada Mariupol, isaga oo sheegay inaysan joojin doonin is difaacidda.

“Waan dagaalami doonnaa ilaa inta ugu dambeysa ee askarteena,” ayuu Andryushenko u sheegay BBC.
Dhanka kale safiirka Shiinaha ee Mareykanka ayaa sheegay in Shiinuhu uusan u diri doonin hub iyo rasaas dalka Ruushka islamarkana ay Beijing ay “wax walba u sameyn doonto sidii ay xiisadda u dejin lahayd”.

Hadalka Qin Gang ayaa imaanaya ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu uga digay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping Jimcihii in ay jiri doonaan “cawaaqib xumo ak dhalan karta” haddii Beijing ay taageero agab ah siiso Moscow.

Beijing ayaa beenisay warar todobaadkii hore soo baxay ee ahaa in ay u furan tahay in ay Moscow siiso hub ay ku sheegeen “xog been abuur ah”, balse Shiinuhu waxa uu diiday in uu cambaareeyo duullaanka Ruushka ee ukraine.

Dhanka kale waxaa sii kordhaysa tirada dadka ka barakaca dalka ukraine.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in 10 milyan oo reer Ukraine ah ay guriyahooda ka qaxeen taasi oo ah- ku dhawaad ​​afar meelood meel dadka dalkaasi.

Waxay ku tilmaantay xawaaraha iyo baaxadda barakaca mid aan horay loo arag tobannaankii sano ee u dambeeyay.

Related posts

Gudiga Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Bilaabay Dooda Xeerka Caymiska

Bnnstaff Bnnstaff

Kulayl Xad Dhaaf Ah Oo Sababay Dhimashada Dad Gaadhaya100 Qof Oo Ka Jira Dalka Hindiya

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Amaanka Oo Hawlgalo Kala Duwan Ka Sameeyay Magaalada Gaalkacyo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More