Mareykanka Oo si Rasmi ah U Meel-mariyay Dawada Remdesivir Oo Loo Isticmaalayo Covid 19

Hay’adda dawooyinka u qaabilsan Mareykanka ayaa meel marisay in dawada remdesivir lagu dabiibi karo bukaannada uu ku dhaco caabuqa cudurka Covid-19

Dawadan la dhaqan galiyay ayaa la siin doonaa bukaannada ku jira isbitaallada, hasayeeshee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) waxa ay sheegaysaa in waxatarkeedu uu yar yahay.

Hay’adda maamusha Cunnada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa sheegtay in Veklury, oo ah magaca ganacsiga ee dawada, oo celcelis ahaan shan maalmood ka yareyneysa waqtiga ka soo kabsashada cudurka, taas oo la ogaaday intii ay socotay tijaabada daweynta.

“Veklury waa dawadii ugu horraysay ee lagu dabiibo fayraska Covid-19 oo FDA ay meelmariso,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay FDA.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay todobaadkii hore sheegtay in dawada remdesivir aanay wax wayn ka tari karin badbaadada bukaannada.

WHO ayaa sheegtay in arrintaas ay ka dhalatay daraasad ay samaysay – balse shirkadda Gilead ee dawadaas samaysay waxa ay diidday xogtaas ay hay’addu shaacisay.

Isticmaalka Remdesivir ayaa la ogolaaday bishii May, waxaana loo adeegsanayay xaaladaha degdega ah oo kaliya ee gudaha Mareykanka.

Dawadan ayaa dhawaan la siiyay Madaxweyne Donald Trump kaddib markii laga helay cudurka Covid-19, wuuna ka kabsaday xanuunka coronavirus.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Kenya: Saraakiil Sare Oo Loo Heysto Musuqmaasuq La Xidhiidha lacagihii Cudurka Covid-19

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lala Eegtay Dhalinyaro Ciyaartoy Ah Oo Ka Kismaayo

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Ciraaq Oo Soomaaliya Usoo Jeedisay In Ay Bixiso Deyntii Ay Ku Lahayd

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More