Meydka Xildhibaan Aamino Maxamed Oo Maanta La Keenayo Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho la keeni doonaa Meydka Marxuumad Xil. Aamina Maxamed Cabdi oo xalay lagu dilay qarax Is-miidaamin ah oo lagula beegsaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Meydka Aamina Maxamed oo diyaarad qaas ah looga soo qaadayo Garoonka Baladweyne ayaa saacad kadib laga soo dejin doonaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, si loogu aaso qaruubo ku yaalla Magaalada Caasimadda ah Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano, Wasiiro, siyaasiyiin, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale, isla markaana ka qeyb geli doona saalada Janaasada oo sida uu qorshahu yahay lagula tukan doono gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa isku qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, xili ay socod ku mareysay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kalena goobta ku dhintay Askar ilaalo u aheyd Aamina.

Sidoo kale qarax kale oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxo qarxa ayaa isla xalay ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga Magaalada, waxaana qaraxaas dadka ku dhintay kamid ahaa Xildhibaan Cali Cabdi Dhuxul oo haatan Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka.

Allaha u naxariistee Aamina Maxamed Cabdi ayaa markii hore Baladweyne u tegtay tartanka doorashada kursiga ay ku fadhiday oo mar kale ay dooneysay kursigaas, iyadoo maalmihii dambe ay waday olole doorasho.

Related posts

Xildhibaan La Sheegay In La Afduubtay Oo Beeniyay Wararka Sheegayay Afduubkiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Tamarta Somaliland Oo Shaaciyay In Ay Laydhka Somaliland Yahay Ka Ugu Qaalisan Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Mar Kale Ka Dhex Qarxay Hindiya Iyo Shiinaha Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More