Madaxwayne Trump Oo Shaaciyay In Suudaan Xidhiidh La Yeelatay Isreal

Suudaan ayaa dib usoo celineysaa xiriirkii ay laheyd Israa’iil, sida uu shaaciyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Trump wuxuu Suudaan ka saaray liiska dalalka maalgeliyo argagixisada si cunaqabateynta dhaqaale looga qaado.

Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay ‘ in ugu yaraan shan dal oo kale oo carbeed’ ay doonayaan in heshiis nabadeed ay la galaan Israa’iil.

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn ay heshiis nabadeed la galeen Israa’iil.

Labadaas dal ayaa noqonayaa dalalkii ugu horreeyay Bariga Dhexe ee aqoonsado Israa’iil muddo 26 sano gudahood.

Urddun waxay heshiis nabadeed la gashay Israa’iil sanadkii 1994-tii halka Masar ay heshiis la saxiixatay Israa’iil sanadkii 1979-kii.

Heshiisyada ay gaarayaan qaar kamid ah dalalka carabta iyo Israa’iil waxaa dhaleeceeyay Falastiiniyiinta oo u arko in la khiyaanay.

Waddamada carabta ayaa horraan heshiiska Israa’iil ku xiray shuruudda ah inay isaga baxdo dhulka ay xoogga ku qabsatay kaddib dagaalkii 1967-dii.

Xafiiiska Wararka  BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Ganacsade Si Kulul Ugu Jawaabay Hogaamiye Xirsi Iyo Siyaasi Axmed Nasiye

Bnnstaff Bnnstaff

Ganacsato Soomaaliyeed Oo Lagu Xidhiday Dalka Koonfur Africa

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin Dareen Leh:- Labo Wiil Oo La Nool Cudurka Albinism-ka Iyo Xaaladooda Nololeed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More