Hirshabeelle Oo Shaacisay Jadwalka Doorashada Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Baladweyne.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in soo gudbinta ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta ay bilaabaneyso maalinta berri oo sabti oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bishaan Maarso.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in doorashada afarta kursi ee Golaha Shacabka la qaban doono 27-ka bishaan, waxaana doorashadaas ka dhaceysaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa weli dhameeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana  Maamulka Jubbaland ay caqabad siyaasadeed ka heysataan deegaan doorashada labaad ee Magaalada Garbahaarey.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Oo Kabul Ku Tagay Booqasho Muhiim u Ah Taalibaan

Bnnstaff Bnnstaff

” Madaxwayne Hawdhaqmin Sii Muusihii Doraad Ahaa Hogaamiye Kooxeedka” Siyaasi Maxamuud Xaashi

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Shariif: Kurshiga Hadii La Joogayo Nabad Ha Lagu Joogo Hadii Kalena Nabad Ha Lagaga Tego”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More