Faahfaahin Weerar Askar Lagu Laayay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay aagga deegaanka Balli-Bire oo dhanka Waqooyi kaga beegan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca iyo Ciidanka Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda federaalka ah.

Inta la xaqiijiyay 6 Askari ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ku dhaawacmeen dagaalka sidda ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowladda.

Dagaalka ayaa yimid markii Ciidamo katirsan Dowladda oo watay Gaadiid dagaal kana baxay xarunta Madaxtooyadda ee Dhusomarreeb kuwaa oo doonayay Askar la soo xiriirtay oo sheegay in dhanka Ahlusunna kasoo goosteen hase ahaatee isku badalay Weerar dhabo gal ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Ahlusunna ay gubeen Mid kamida 2 da Gaari oo ay wateen Ciidamadda Dowladda ayna qaateen Qorigii ku xirnaa iyo 2 qoro oo Dabajeex ah.

Ciidamadda Dowladda oo iska caabin sameeyay markii uu Weerarkan qabsaday ayaa xogta sheegeysaa in Gaariga labaad oo wali gacantooda ku jiro.

Related posts

Ciyaartoy Hore Samuel Eto’ Oo Loo Doortay Madaxweynaha Kubbada Cagta Ee Dalka Cameroon

Bnnstaff Bnnstaff

DEG DEG:- Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Xabad Joojin Rasmi Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Tartan Culus Oo Qaarada Africa Ku Dhex Maraya Dalalka Maraykanka Iyo Shiinaha Africase Ma Ka Faa’iidaysan Doontaa?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More