Militeriga Ruushka Oo Duqeeyay Magaalada Lviv Ee Dalka Ukraine

Miletiriga Ruushka ayaa duqeymo culus ka fuliyay magaalada Lviv ee Galbeedka Ukraine, halkaasi oo la soo warinayo in dad badan ay waxyeelo ka soo gartay.

Jugta duqeynta ayaa laga maqlay xaafadaha magaalada, iyada oo muuqaalo la soo duubay lagu arkayay qiiqa Madow ee cirka shareeray muddo nus saac ah.

“Kani waa weerarkii labaad ee ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Lviv,” ayuu yiri Mas’uul kamid ah Madaxda Magaalada, isagoo xusay in dad badan ay soo badbaadiyeen. “Tani waa mid caddeyn u in ay ka sii dartay colaadda,” ayuu hadalkiisa raaciyay Mas’uulkan.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Ruushka iyo Ukraine ayaa waxaa uu galay Bishii labbaad waxaana weli socda iska hor-imaadyada iyo duqeymaha ay kumaan ruux ku dhinteen, kuna barkaceen Malaaayiin reer ukraine ah.

 

Related posts

Banaanbaxyo Waawayn Oo Lagaga Soo Horjeeda Faragalinta Reer Galbeedka Oo Ka Dhacay Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Dalka Turkiga Oo Laga Mumnuucay In Ay Soo Galaan Dadka Sadex Dal Oo Islaam Ah Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Codbixinta Doorashada Faransiiska Oo Bilaabatay Iyo Macron Oo Rajeynaya Inuu Ka Guuleysto Le Pen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More