Madaxweynaha Jabuuti Ismacii Cumar Geele Oo Booqasho Deg Deg Ah Ku Tagaya Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho qaadan doonta 72 saacadood ku tagi doona Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, kaddib markii uu casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Booqashadan oo ah mid lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal ayaa madaxdu waxa uu kulan fool ka fool ah la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo uu kala hadli doono arrimaha khuseeya labada dal.

Booqashada Madaxweynaha Jabuutiuu ku tagayo dalka Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco kulan ballaaran oo ay ka qeyb galayaan wufuud ka kala socota labada dhinac.

Jabuuti iyo Itoobiya oo ah laba dal oo xiriir walaaltinimo iyo mid taariikhi ah ka dhexeeya, waxaana socdaalkan madaxweyne Geelle uu xoojinayaa xiriirkooda laba geesoodka ah iyadoo laga faa’iidaysan doono.

Wafdiga madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirka Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Qalabaynta iyo Madaxweynaha Wakaaladda Dekedaha iyo Goobaha Xorta ah ee Jabuuti & Mas’uuliyiin kale.

Related posts

“Waxaan U Sharaxanaya Jagada Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Waddani” Siyaasi Cabdilaahi Dahab.

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Geelle Oo Guddoonsiiyey Madaxwayne Xasan Sheekh Billada Ugu Sarreysa Ee Jabuuti Bixiso

Bnnstaff Bnnstaff

“Aniga Iyo Cabdiraxmaan Cirro isma Hayno” Siyaasi Cabdilaahi Dahab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More