Borama News Network

Golaha Sare Ee Islaamka Itoobiya Oo Qeylo Dhaan Kasoo Saaray Weerarada Lagu Hayo Muslimiinta Gobolka Axmaarada

Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarrada ba’an ee lagu beegsanayo dadka muslimiinta ah ee ku nool gobolka Axmaarada. Dhacdooyin naxdin leh oo isugu jira dil arxan darro ah, qaraxyo iyo afduub ayaa shacabka muslimiinta ah ku reebay cabsi sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbhainta gudaha ee Itoopiya

Wararkii ugu dambeeyay ayaa faah faahin ka bixiyay weerar argagax leh oo ka dhacay magaalada Bahir_Dar, halkaasoo salaadii maqrib kadib si naxariis darro ah loogu toogtay dad aan waxba galabsan. Intaa waxaa dheer, dhacdooyin rabshado ah oo ka dhacay magaalooyinka Mota iyo Gonder .

Golaha Sare ee Arimaha Islaamka ee Gobolka Axmaarada ayaa sidoo kale sheegay dhimashada naxdinta leh ee ay ku dhinteen in ka badan 80 qof, iyada oo ay jiraan dad badan oo barakacayaal ah oo loo gaystay dambiyo aad u fool xun.

Golaha Sare ee Arimaha Islaamka ee Gobolka Axmaarada ayaa bayaan kan la mid ah soo saaray maalin ka hor, waxayna sheegeen in ay ku naf waayeen in ka badan 80 qof oo muslimiin ah, tobanaan kun oo qofna ay barakiciyeen, waxaana la soo tabiyay kiisas badan oo afduub iyo dhac ah 8-dii bilood ee la soo dhaafay.

Related posts

Wararkii ugu dembeeyey ee xaaladda Lubnaan iyo tirada dhimashada oo gaadhay wax ka badan afar boqol

Abdiaziz Bnnstaff

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK oo loogu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan difaaca Madaxbannaanida Iyo wadajirka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

”Heshiiska Ethopia iyo Somaliland Wuu hirgalayaa dhawaana ” Madaxweyne Muuse Biix

Abdiaziz Bnnstaff