Dowladdaha Soomaaliya Iyo Qadar Oo Kala Saxiixday Heshiis Is-Afgarad Ah

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qadar oo uu kaga qayb galayo Shirka Madasha Dooxa, ayaa waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka waxbarashada ee Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay’adda Qatar Fund.

Heshiiskan Is-afgaradka ah oo ah mid lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada, ayaa sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.
“Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada.” Ayuu yirii Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle oo ka hadlayey saxiixa heshiiskan Is-afgaradka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay dadaal buuxa gelisay kor u qaadidda tayada Waxbarasha dalka, iyada kor loo qaaday miisaaniyadda waxbarashada, lana diyaariyey manhaj waxbarasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, sidoo kale waxbarasho lacag la’aan ah loo fidiyey kumannaan da’yar Soomaaliyeed ah.

Munaasabadda lagu saxiixayey Heshiiskan Is-afgaradka ah, waxaa sidoo kale ka qayb galay, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u jooga dalkan Qadar Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, La Taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Siciid Jaamac Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay Soo Celinta Iyo Adkeynta Xidhiidhkooda

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Deni Iyo Ku Xigeenkiisa Axmed Karaash Oo Ka Heshiiyay Khilaafkii Ka Dhex Taagnaa

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Somaliland oo Dhagax dhigtay Barxada Nasashada Bulshada iyo Halka laga hirgalin Doono

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More