Isreal Oo Kulamo Kala Duwan Ka Bilawday Qaar Ka Mid Ah Dalalka Carabta

Israa’iil ayaa bilaabi doonta marti-gelinta shir taariikhi ah oo ay ka qayb galayaan afar waddan oo Carab ah iyo Maraykanka.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Masar ayaa ka qeyb galaya shirkan oo ka dhacaya saxaraha Negev.

Sanadkii 2020-kii ayey Imaaraatka iyo Baxreyn caadiyeeyeen xiriirkii ay la lahaayeen Israa’iil , taas oo qayb ka ahayd dhexdhexaadintii Mareykanka.
Marooko ayaa sanadkii hore raacday tallaabadii Imaaraatka iyo Baxrayn. Jimcihiina Morocco waxay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Israa’iil kaas oo ku saabsan iskaashiga milatariga, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada sirdoonka Israa’iil.

Wadahadallada ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro dagaalka Ukraine iyo heshiiska Nukliyeerka ee Iran.

Wadahadalladan ayaa loo arkaa caddayn la taaban karo oo ah in heshiisyadii caadiga ahaa ee Maraykanku garwadeen ka ahaa ee labadii sano ee la soo dhaafay ay bilaabeen inay miro dhalaan.

Related posts

Xogo Xasaasiya Oo Ku Saabsan Dagaalka Nolosha Iyo Geerida Ah Ee Ka Socda Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Gobolka Sanaag Oo Degmada Ceel Afwayn Ku Kala Wareejisay Mag

Bnnstaff Bnnstaff

Barnaamijka Galka Baadhista Oo Lagu Soo Bandhigay Xeeladaha Cusub Ee Ay Alshabaab U Adeegsadaan Qaraxyada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More