Cali Guudlaawe Oo Baaq Ku Aaddan Dib Dhiska Isbitaalka Baladweyne U Diray Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray weeraro ay argagixisadu la eegteen.

Madaxweynaha oo kormeerka uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee cusbitaalka yiilay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii lagu bartilmaameedsadeen cusbitaalka guud ee Magaalada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Cusbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah.

Related posts

Xildhibaanada Mudo Xileedkoodu Dhamaaday Ee Somaliya Oo Ka Hadlay Sida Ay U Arkaan Dhamaadka Mudo Xileedkooda

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Arimaha Laga Wadahadlay

Bnnstaff Bnnstaff

Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Reer Awdal Oo Ka Dareeray Golaha Wakiilada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More