Booliska Magaalada Los Angeles Ee Maraykanka Oo Ka Hadlay Dharbaaxadii Uu Geystay Will Smith

Kadib dharbaaxaddii uu atoore Will Smith ku dhuftay majaajiliiste Chris Rock ayay booliiska sheegeen in ay ka war hayaan wixii ka dhacay munaasabaddii abaalmarinta aflaamka ee Oscars.

Booliiska Los Angeles oo magacooda loosoo gaabiyo LAPD ayaa sheegeey in Chris Rock uu diiday in uu furto gal dacwadeed ka dhan ah Smith.

Dhanka kale Will Smith oo ku guuleystay abaalmarinta atooraha ugu wanaagsan oo uu ku heley filimkiisa King Richard, ayaa raaligalin ka bixiyay dharbaaxaddii uu ka geystay masraxa, balse ma uusan soo magac qaadin Rock oo ah ninka ay dharbaaxada ku dhacday.

Chris Rock ayaa ku kaftamay timo la’aanta xaaska Smith oo lagu magacaabo Jade, taas oo ay timaha uga gurmeen sababo la xiriira xanuun muddo hayay awgeed.

Waxaa la arkayay Will Smith oo aad u caraysan o oleh ‘aflaaga ka duw xaaskayga”.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Oo Qarka u Saaran In Lagu Kala Kaco

Bnnstaff Bnnstaff

Kenya Oo Sheegtay Inay Kiiska Badda U Gudbineyso Golaha Ammaanka Ee Qarama Midoobay Kadib Fashilkeeda ICJ

Bnnstaff Bnnstaff

Ilma Yar Oo La Sheegay In Uu Hargeysa Dhexdeeda Ugu Dhintay Gaajo Darteed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More