Mareykanka Oo Sheegay Inay Halis Kujiraan Kaalmada Iyo Howlaha Deyn Cafinta Ee Somaliya

Waxaa kulan gaar ah yeeshay Safiirka Cusub Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Larry Andre & Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Dalalka Bariga Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Kristina Svensson, iyaga oo kawada hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Soomaaliya iyo doorashooyinka.

Qoraal lagu qoray Barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay sigaar ah diirada u saareen halista ka dhalan karta dib u dhaca Doorashooyinka taas oo saameyn karta kaalmada la siiyo Soomaaliya iyo howlaha deyn cafinta.

Waxaa ay sheegeen in hadii aan deg deg loo dhisin dowlad Cusub lana dhameystirin doorashooyinka socda ay halis galayaan howlaha deyn cafinta & taageerada Maaliyadeed ee Caalamku siiyo Soomaaliya.

“Danjire André iyo madaxa Bangiga Adduunka Kristina Svensson ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, Haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan Dowlad loo dhisin, Taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah ee joogtada ah iyo deyn cafinta ayaa halis ku jira” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa horay dhowr jeer u sheegtay inay joojin doonto lacagaha ay siiso Ciidamada dowladda Soomaaliya hadii Bisha May aysan ka dhicin Soomaaliya wax doorasho ah.

Related posts

Dagaal ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo khasaaro ka dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Dalka Hindiya Oo Laga Helay Nooca Cusub Ee Cudurka Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo Dalab Hordhigtay Madaxda Ka Qeyb Galeysa Shirka Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More